Hargeysa: Kulanka Fagaaaraha Kheyriyadda
Kumanaanka dadka ah ee Aaxaddii Fagaaraha Kheyriyadda ee Hargeysa ku xusayay sannad-guurada 23aad ee kacdoonkii ka dhanka ahaa dawladdii kacaanka sannaddii 1982kii, waxaa ka mid ahaa dad u badnaa ardayda dugsiyada iyo dhallinyaro. Waxaa kaloo joogay fagaarahaasi masuuliyiinta sare ee xukuumadda , mucaaridka qaarkood, iyo xubno ka mid ahaa aqoonyahannada loo yaqaanno UFO oo iyaga 23 sanno ka hor qaarkood kacdoonkaasi dartii loogu xukumay dil iyo xabsi daa'im, laakiin markii danbe la soo daayay.
Munaasabaddu si deggan ayay u socotay markii hore oo waxaa ka hadlay xubno ka tirsan UFO iyo ururada Dhallinyarada oo iyagu ka sheekeeyay taariikhda maalinta 20ka Feberweri , iyo kaalinta dhallinyarada kaga aaddan ka qayb qaadashada dhismaha iyo horumarinta dalka. Ninka daadihinayay barnaamijka ee mikrifoonka hayay Cabdikariim Nakruuma wuxuu ii sheegay in qabanqaabiyayaasha munaasabaddu ay kula heshiiyeen masuuliyiinta xukuumadda iyo kuwa mucaaridkaba ee joogay xafladda inaan la siyaasadeyn munaasabadda oo la iska dhawro xifaaltanka xukuumadda iyo mucaaridka.
Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo isagu khudbad la sara kacay ayaa ka sheegay fagaarahaasi in kacdoonka iyo dhagax-tuurka waxa kallifay ay ahaayeen iyadoo dadka la siin waayay ayuu yidhi xaqoodii iyo xoorriyatul-qawl. Wuxuu sheegay inuu qabo in manta xorriyatul-qawl iyo saxaafad xor ahba la haysto oo qof waliba isagoo xor ah uu hadlo oo weliba ayuu yidhi "laga badbadiyay " . Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu kaloo ka sheegay fagaarahaasi -waa siduu hadalka u dhigaye- in ninka sita passport ajennabi ah oo caruurtiisiina ay dalka dibeddiisa u deggantahay ay dadweynuhu ka digtoonaadaan in aanuu noloshooda ku ciyaarin oo aanay dooran ayuu yidhi.
Waxay ahayd markii labaad ee munaasabad uu fadhiyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye Axmed Siilaanyo uu madaxweyne ku-xigeenku Axmed Yuusuf Yaasiin uu baaqaas oo kale u jeediyo dadweynaha , iyadoo 12kii bishan uu ereyadaasi oo kale madaxweyne ku-xigeenku ka sheegay shirweyne ay lahaayeen ururka suxufiyiinta ee SOLJA. Xisbiga Kulmiye hore ayay dadweynaha ugu baaqeen inay mudaaharaaddo silmi ah isugu soo baxaan 29ka March haddii doorasha baarllamaanka la qabanwaayo.
Axmed Siilaanyo
Haddaba Axaddii, fagaaraha kheyriyadda oo uu fadhiyay Axmed Siilaanyo ayaa isna degdeg markiiba dadweynaha ula hadlay isagoo ku dhawaaqay ereyo usoo jeediyay shucuurtii dadkii dhallinyarada u badnaa . Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Kulmiye Axmed Siilaanyo wuxuu u sheegay dadkii-waa siduu hadalka u dhigaye- in kuwa passpoorada shisheeye sita ee dalka iyo dadka toona aan danta ka lahayni ay yihiin ayuu yidhi xukuumadda iyo madaxtooyada. Wuxuu yidhi " xaq distoori ah baad u leedihiin inaad si dimuqraaddi ah oo silmi ah ugu mudaaharaaddaan danihiinna ".
Dhallinyaro badan oo ku dhawaaqayay Siilaanyo ha noolaado ayaa ku soo xoomay Axmed Siilaanyo, markii danbena xataa gaadhigiisa hareeraha qabsaday , wadada badhtamahana maray oo buuq sameeyay.